Somali
Waalidiinta iyo qoysaska waxay leeyihiin door aad u muhiim ah sida macalinka koowaad ee ilmahooda. Carruurtu waxay u bartaan siyaabo kala duwan oo heerar kala duwan. Waxay la yimaadaan dugsiga xirfado kala duwan. Xeerarkani waxay muujinayaan qaar kamid ah xirfadaha carruurtu u baahan tahay in loo diyaar garoobo xanaanada. Liiska hoose ayaa ku sheegayaa siyaabaha ilmahaaga ula shaqeeyn lahayd sidaad uga caawiso ilmahaaga u diyaarinta dugsiga.
Sooshal / Niyadda
- Ilmahaygu wuu raaci karaa tilmaamaha 2-talaabada si joogta ah waxaanu bilaabey inuu raaco tilmaamaha 3-tallaabo.
- Ilmahaygu wuu xasusan kara waana raaca hababka (sida cashada, qubeyska, cadeyga, akhriska sarirta, sexashada)
- Ilmahaygu wuu sheegi karaa dareenkiisa (marku: faraxsanyahay, murugonayo, dareen farxad).
- Ilmahaygu wuu isdajin karaa / nafsadisu marka niyad jabto ama caroonayo.
- Ilmahaygu wuu gashan karaa koodhkiisa.
- Ilmahaygu isagaa qubeysan karaa.
- Ilmahaygu isaga meydhan karaa gacmahiisa.
- Ilmahaygu wuu xareya alaabta lagu ciyaaro, nadifiyaa wixii daata ,wixii u doono wuu soo qaadan kaaa.
- Ilmahaygu wuu la wadaaga waanu cawiya ilmha kale.
- Ilmahaygu wuu la qabsada xalada cusub iyo dadkaba.
- Ilmahaygu wuu la wadaaga ciyarta ilmaha kale.
- Ilmahaygu wuu dajiya ilmaha kale.
- Ilmahaygu si joogta ah ayuu ula ciyaara ilmaha kale ee da'diisa ah.
Jidh-ahaaneed
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu ordo, boodo iyo faranfardeeyo.
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu isku taago lug kaliya.
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu tuuro oo uu qabto kubad/bolooni weyn.
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu haratiyo kubad/bolooni.
- Ilmahaygu maqaska waxbuu ku goyn kara.
- Ilmahaygu wuu qabsankara waanu adeegsankara.
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu xidho, isku dhajiyo siibada iyo badhanka.
Luqadda
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu isticmaalo kalmado fikirkiisa iyo baahidiisaba.
- Ilmahaygu wuxuu kara inuu magacabo oo macneeyo waxyabaha ka mid ah noloshiisa.
- Ilmahaygu wuxuu adeegsadaa ereyo cusub oo maalin kasta .
- Ilmahaygu si cad buu hadla iyo dadka intooda badan oo fahma.
- Ilmahaygu wuxuu ku hadli karaa 4-6 weedhaha hadalka.
- Ilmahaygu wuxuu ka hadli karaa waxyaabo horay u dhacay , iyada oo faahfaasan.
- Ilmahaygu wuxuu la yeelan karaa wada hadalka mowduuc qof kale , isagoo hadalka markiisa sugaya.
Fahmada
- Ilmahaygu ka fikiri karaa in ka badan hal hab oo ku xaliyo dhibaatada.
- Ilmahaygu wuxuu muujinayaa fiiro isagoo doonayaa jawaabta su'aalaha.
- Ilmahaygu wuxuu muujinayaa dabacsanaan iyo hal-abuur ee ciyaarta iyo xalinta dhibaatada.
- Ilmahaygu wuxuu karaa inuu isku aadiyo waxyaabo isku koox ah sida midabka , qaabka , ama dumucda iwm.
- Ilmahaygu wuxuu u fadhiyi karaa qumaati, fiiro toosan, la socda dhaqdhaqaaqa.
Akhris-Qoraal
- Ilmahaygu wuu yaqaana 5-10 heesaha ama heesaha carruurta.
- Ilmahaygu wuu og yahay haddii erayada bilaw codka isku ah (tusaale ahaan big, brown, bear).
- Ilmahaygu wuxuu maqli karo qeybo ka mid ah ereyada (tusaale: hap-py, 2 qeybood or 2 dhawaaq).
- Ilmahaygu wuxuu aqoonsada magacyada 10-20 xarfaha sare iyo 10-20 xarfaha hoose.
- Ilmahaygu wuxuu sheega codadaka saxda ah ee 10-20 xarfaha.
- Ilmahaygu wuu yaqaan qaybaha buug : korkiisa, magaciisa, bogagga , erayada , iwm.
- Ilmahaygu wuu la akhriya qof weyn, wuu dhageysta sheeko maalin kasta, wuu ka hadla oo ka shekeyn kara sheeko.
- Ilmahaygu "wuxuu qora" sheeko isagoo sawiraya iyo/ ama isticmaalaya xarfaha.
- Ilmahaygu wuxuu qori karaa magacisa iyo aqoonsiga xarfaha.
- Ilmahaygu wuxuu dhihi karaa alifbeetada.
Xisaabta
- Ilmahaygu wuxuuirin karaa 10-20 walxaha, tilmaama shay kasta.
- Ilmahaygu wuxuu tirin karaa dhawaaq, ilaa 20.
- Ilmahayga waxa uu bilaabay in uu fahmo iyo isticmaalka erayadan si aad ah, yar iyo isku mid.
- Ilmahaygu wuxuu garan kara tirada 1-10
- Ilmahaygu wuxuu isku aadin kara tirada 1-10 iyo walxaha ku aadan.
- Ilmahaygu wuxuu tilmaamayaa qaababka caadiga ah (sida: goobada, oo laba jibbaaran, xagalka, laydi).
- Ilmahaygu wuu isku aadin kara oo kala saari kara qaababka fudud.
- Ilmahaygu wuxuu isticmaalaa lagu qiyaaso ciyaarta (sida: koobabka, qaadooyinka,cabirka, qiyaasta).
- Ilmahaygu wuxuu adeegsadaa ereyo si usharaxo waxyaabaha , qaab, iyo miisaanka (sida: weyn, goobada, culus).
- Ilmahaygu wuu is gelin karaa wax (sida: 1aad, 2aad, 3ad).
Macluumaadka Shaqsiyeed
- Ilmahaygu wuu yaqaana magiciisa hore, Magaca awoowe iyo magacyada waalidiinta.
- Ilmahaygu wuu yaqaana cinwaankiisa iyo lambarka taleefanka.
- Ilmahaygu wuu magacaabi kara 10 qeybaha jirka (madaxa, garbaha, jilbaha, faraha, iwm).
- Ilmahaygu wuu yaqaanan da'diisa iyo maalinta dhalashada.